Guddoomiyaha Gobalka Meru ee Kenya oo lagu eedeeyey inuu isku xiray Midnimadda Xuduudaha Dalka iyo Ganacsiga Qaadka loo iibgeeyo Somaliland.

Danjiraha Somalia u jooga Kenya, Ambassador Jamaal Xasan ayaa sheegay inay sababaha ay Dowladda Soalia u joojisay Qaadka laga keenyo Kenya u sabab yahay Guddoomiyaha Gobalka Meru ee Kenya, Peter Munya.

Ambassador Jamaal Maxamed Xasan oo Wareysi siiyey Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobiu ayaa tilmaamay inuu Peter Munya  isticmaalay Ganacsiga inuu u ololeeyo sidii uu Maamulka  Somaliland u go’I lahaayeen dalka Somalia.

AMBASSADOR JAMAAL MOHAED HASSANWaxa uu xusay in socdaalkii uu Peter Munya bishii July ku tegay magaalladda Hargeysa sababtay Cadaadis Siyaasadeed ka abuurtay gudaha Somalia, taasi oo keentay in la joojiyo Ganacsiga Qaadka Kenya ee   loo iib geysan jirey dalka Somalia.

“Waxa uu isku xiray Midnimadda Xuduudaha Dalka iyo Ganasiga Qaadka wuxuuna farageliyey Arrimaha Gudaha ee dalka” ayuu yiri Danjiraha Somalia u jooga Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray inay arrintaasi ku keentay Dowladda Somalia cadaadis aan loo dul qaadan Karin, taasi oo keentay inay Dowladda Somalia joojiso Qaadka laga keeni jirey Kenya.

Dhinaac kale, Danjiraha Somalia u jooga Kenya, Ambassador Jamaal Maxamed Xasan waxa uu Wareysiga uu siiyey The Nation ku sheegay inay Dowladda Federalka arrinkaasi kala aajoonayso Dowladda Kenya si loogu helo Xal Saaxiibtinimo.

Guddoomiyaha Gobalka Meru ee ay ku yaallaan Beeraha Qaadka ee Kenya, Peter Munya waxa uu bishii July booqasho ku tegay magaalladda Hargeysa, wuxuuna la kulmay Madaweyne-ku-xigeenka Maamulka Somaliland, C/raxaan Ismaaciil Zeylici iyo  Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Maaliyadda ee Maamulkaasi.

Peter Munya waxa uu Madaxda Somaliland u sheegay inay u fasaxaan in Qaadka Kenya loo iib keeno Smaliland, si uu isaga ugu ololeeyo sidii ay Dowladda Kenyaa u aqoonsan lahayd Ictiraafka Dowladnimo ee Somaliland.

Maamulka Somaliland ee ka taliya Goballadda W/Galbeed ee Jahuuriyadda Somalia waxay sannadkii 1991-kii ku dhawaaqeen inay ka go’een Dalka Jamhuuriyadda Somalia, balse ilaa haatan ma jirto Dowlad aqoonsatay Gooni-isku-taagga Somaliland.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media