Guddoomiyaha Degmadda Baraawe oo qarax lagu dhaawacay.

Guddoomiyaha Degmadda Baraawe ee Gobalka Sh/hoose, Xuseen Barre Jeex ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qarax miino oo saakayto loogu aasay meel ku dhow Xafiiskiisa.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu ka badbaaday miinadaasi, inkastoo la sheegay inuu soo gaaray dhaawac fudud.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxayo nooca qaraxa lagu dhaawacay Guddoomiyahaasi, iyadoo ay warar sheegayaan inay miino loogu aasay meel ku dhow Xafiiskiisa, halka warar kalena sheegayaan inay ahayd Bam Gacmeed laga soo tuuray Dhismo Dabaq ku hareer yaalla Xafiiskiisa.

Maamulka Degmadda Barre waxay kaloo sheegeen  inay qabteen dad lagu tuhunsan yahay inay maleegeen qaraxaasi, mana kala cadda in dadka la qabtay kuwii ka dambeeyey falkaasi iyo inay yihiin dad rayid oo aan ku lug lahayn qaraxyadda.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor