DHAGEYSO: Guddoomiyaha Ceel Cali ” Waxaa Gaajo iyo Haraad Darteed Degmada Ugu Dhintay 33 Qof ”

Guddoomiyaha degmada Ceel Cali ee gobolka Hiiraan Abiikar Yarow oo wareysi gaar ah siiyey Radio Dalsan ayaa ka hadlay heerka dhibaato ee abaarta ka jirta gobolka Hiiraan, gaar ahaan degmada Ceel Cali iyo Nawaaxigeeda, waxaana uu sheegay in xaalado adag oo dhinaca nolosha ay ka taaganyihiin gobolka.

Gudoomiye Abiikar ayaa Radio Dalsan u sheegay inay gaajo iyo haraad 12 tuulo oo hoosyimaada degmada Ceel Cali ugu dhinteen 33 qof, markii ay waayeen wax ay cuanaan iyo wax ay cabaan.

Ilaa iyo hada majirto wax laga qabtay dhibaatadaas, sida uu inoo sheegay guddoomiyaha Ceel Cali oo ku baaqay in loo soo gurmado dadkaas, si loo badbaadiyo nolosha dadkale oo halis ugu jira inay gaajo u dhintaan.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media