Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobalka Banaadir oo ku soo wajahan Muqdisho.

Qabanqaabo xooggan oo lagu soo dhaweynayo Guddoomiyaha cusub ee Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa haatan ka socota magaalladda Muqdisho.

Guddoomiye Taabid Cabdi Maxamed ayaa lagu wadaa inuu barqanimadda maanta ka soo dego Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, sida ay xaqiijiyeen Guddiga Soo-dhaweyntiisa.

Guddoomiyaha Cusub ayaa la filayaa inuu maalinta Sabrida xilka kala wareego Guddoomiyaha haatan haya Xilkaasi, Sheekh Yuusuf Jimcaale.

Isbuucii la soo dhaafay ayey Golaha Wasiiradda ee XFS waxay ansixiyeen magacaabista Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir iyo Maareeyaasha Dekedda iyo Garoonka Aadan Cadde.

Taabid Cabdi Maxamed oo Jaal dhow la ah Madaxweyne Farmaajo wwaxa uu haatan sii haya Xilka Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Somalia ee magaalladda Washington.

Taariikhda Shaqo iyo Khibradda Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir

Mas’uulkaasi waxa uu magacaabistan ka hor hayey xilka Ku-xigeenka Safiirka Somalia u jooga Caasimadda dalka Maraykanka ee Washington DC.

Taabit Cabdi Maxamed waxa uu La-taliye Madax-bannaan oo Siyaasadeed (An independent Political Advisor)  ahaan kula soo shaqeeyey Hay’addo Dowladeed iyo kuwo aan Dowli ahayn (NGO) ka hawlgala Bariga Afrika.

Waa Khabiir aqoon u leh Siyaasadaha Gobalka (Regional Politics), Siyaasadda Guud (Public Policy), Xiriiradda Dibedda (Foreign Relations), Diplomaasiydda iyo Hoggaaminta (Diplomacy and Leadership).

Laga soo bilaabo sannadkii 2013-kii ilaa 2014-kii, waxa uu ahaa Sii-hayaha Agaasimha Madaxtooyadda iyo Ku-xigeenka Madaxa Shaqaalaha iyo Maareynta Hawlgalladda ee Xafiiska Madaxweynaha Somalia.

Muddadii uu Xilkaasi hayey waxaa aad loogu ammaanay sida Hawlkaarnimadda ee uu wax badan uga beddelay Nidaamka ee Villa Somalia iyo sida uu u kala agaasimi jirey Hawlaha culus ee Madaxtooyadda Villa Somalia.

Taabit Cabdi Maxamed waxa kale oo uu ka soo shaqeeyey Hay’adda QM ugu qaabilsan Horumarinta Barnaamijyadda ee UNDP ee dhinacyadda Barnaamijyadda iyo Hawlgalladda.

Taabit Cabdi Maxamed waxa uu haystaa Shahaadada Jamaacadeed ee Maamulka Ganacsiga ee Business Administration (BA), iyo Shahaadada Hoggaaminta iyo Maareynta ee MA in  Leadership and Mnagement (MA).

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media