(SAWIRO): Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir oo lagu soo dhaweeyey Garoonka Aadan Cadde.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed ayaa goor dhow ka soo degaay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

Guddoomiyaha waxaa si diiran u soo dhaweeyey Xildhibaanadda Labada Gole ee BFS, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Banaadir, Saraakiil Ciiddan iyo Dadweyne kale.

 

Guddoomiye Taabit waxa la filayaa inuu maalinta Sabtida xilka Gobalka Banaadir kala wareego Guddoomiyihii hore, Sheekh Yuusuf Jimcaale.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha cusub ayaa la filayaa inuu soo bandhigi doono Qorshe-hawleedkiisa Maamulka Gobalka Banaadir, gaar ahaan Sugidda Ammaanka.

Guddoomiyaha Cusub waxaa xilkaasi loo magacabay Khamiistii la soo dhaafay, iyadoo ay Golaha Wasiiradda ee XFS ansixiyeen magacaabistiisa.

Waxa uu  horey u haa Ku-xigeenka Safiirka Somalia u jooga dalka Maraykanka.

©Radio Dalsan