Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir oo la magacaabay

Saacaddo kadib, markii la shaaciyey in Guddoomiyihii Gobalka Banaadir, ahaana Duqa Magaalladda Muqdisho, Jeneral Hassan Mohamed Hussein “Mungaab” laga qaaday Xilkaasi, ayaa waxaa la magacaabay Guddoomiye cusub.

Afhayeenka Dowladda Federalka, Daa’uud Aweys ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey Xil-ka-qaadista Jeneral Mungaab.

Afhayeenka waxa kaloo uu tilmaamay in Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir, ahaana Duqa Magaalladda Muqdisho loo magacaabay Md. Yuusuf  Xuseen Jimcaale.

Ma cadda sababaha rasmiga ee uu Mungaab xilka looga qaaday, inkastoo aad loo hadal-hayo Khilaafkii Toddobaadkii hore dhex maray Jeneral Mungaab iyo Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federalka,Abdirizak Omar Mohamed.

Dhinaca kale, Jeneral Mungaab waxa uu xilka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahaana Duqa Magaalladda Muqdisho, Jeneral Hassan Mohamed Hussein “Mungaab” hayey tan iyo bishii February 27-dii ee sannadkii 2014-kii.

Jeneral Mungaab waxa uu horey u soo qabtay Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciiddanka Qalabka Sida, wuxuuna xilkaasi hayey muddadii u dhexeysay Bishii August 17-dii ee sannadkii 2012-kii ilaa bishii February 25-dii ee sannadkii hore ee 2014-ka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor