Guddoomiyaha Cusub ee baarlamaanka oo markii ugu horreysay shir guddoominaya kulanka Baarlamaanka

Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doona Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo aan maalmaahan kulmin kadib doorashadii guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Kulanka Maanta ayaa waxaa markii ugu horeysay shir guddoomin doona Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Ajandaha Maanta ee kulanka Baarlamaanka ayaa ah Habmaamuska Xeerka lagu Aasaasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika,kaas oo shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiiradda Soomaliya kadib markii uu kahor akhriyey guddoomiye ku xi geenka 2aad ee baarlamaanka Mahad Cabdala Cawad.

Diyaar garow kulanka Baarlamaanka ee Maanta ayaa haatan ka socota Xarunta Golaha Shacabka,waxaana aad loo adkeeyey Xarunta iyo Wadooyinka ku dhaw dhaw.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media