Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Barlamaanadda Dalalka Islaamka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Khudbad ka jeediyey Shirka Madaxda Barlamaanadda dalalka Iskaashiga Islaamka oo haatan ka socda caasimadda dalka Iraq ee Baqdaad.

Waxa uu khudbadiisa kaga hadlay Xaalladda Guud ee Somalia ee dhinacyaadda Siyaasadda, Nabadda iyo Dib-u-dhiska dalka, wuxuuna sheegay inay Somalia haatan ka soo kabanayso dhibaatooyinkii horey loo soo maray.

Waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyey Dhismaha Barlamaanka Federalka Somalia iyo Kaalinta ay Xildhibaanadda ka qaataan Toosinta Maamulka iyo Ilaalinta Danaha Qaranka.

Prof. Jawaari waxa uu ugu baaqay Dowladaha Islaamka inay sii kordhayaan taageeradda ay u fidiyaan Dowladda Federalka, si loo xoojiyo Hawlgalladda Nabadda, Deganaanshaha iyo Dib-u-dhiska Somalia.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia waxa uu uga mahadceliyey Dowladda Ciraaq sida diiran ee ay isaga iyo Wafdigiisa ugu soo dhaweeyeen magaalladda Baqdaad.

BAQDAAD002 BAQDAAD001

BAQDAAD 10 BAQDAAD 11 BAQDAAD7 BAQDAAD6 BAQDAAD5 BAQDAAD 9 BAQDAAD4 BAQDAAD3 BAQDAAD2 BAQDAAD003

©Radio Dalsan                            

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor