Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Umadda Musliinta Ah Ugu Hambalyeeyey Sanadka Cusub ee Hijriyada Islaamka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaanba Muslimiinta caalamka hambalyo ku aadan sanadka cusub ee Hijriyada Islaamka.

“Hor iyo horaan waxaan doonayaa inaan halkaan uga diro shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo guud ahaan umadda Islaamka hambalyo ku aadan sanadka cusub ee Hijriyada Islaamka waxaa inoo dhashay sanad cusub oo ah 1437 Hijria waa bilowga sanad cusub ee tirsiga taariikhda islaamka marka saa daraadeed waxaan idiin leeyahay Hambalyo,Hambalyo,Hambalyo” – ayuu hadalkiisa ku bilaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

“sanadka dhammaaday ee 1436 waxey umadda Soomaaliyeed soo mareen marxalado kala gedisan lkn waxaan hubaa in sanadkii hore hormarradii jiray in ka badan in la sameeyey waxaana waajib nagu wada ah inaan Alle uga mahad celinno taas, sidoo kalena waxaan Alle Subxaanahu Watacaalaa ka rajeynaynaa in sanadkan midka xiga uu nagu gaarsiiyo Ammaan,Barwaaqo iyo hormar buuxa oo dhanka dowladnimada ah, markale waxaan idiin leeyahay HAMBALYO,HAMBALYO, HAMBALYO, KULU CAAMIN WA ANTUM BIL KHEYR”- ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

—-DHAMMAAD—-

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor