Guddigii baaritaanka Kiiskii Qalbi Dhagax oo Maanta Warbxin u gudbinaya Baarlamaanka Soomaaliya

Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in Xildhibanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay Magaalada Muqdisho ku yeeshaan kulankoodii cadiga ahaa.

Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah  Warbixinta Guddiga Gaarka ah ee Ku Saabsan Arrinta Cabdikarim Sheekh Muuse Qalbi dhagax  kuwas oo laba jeer waqti dheri ah loogu daray.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed Gudoomiye ku xigeenka guddigaan ayaa sheegay in Warbixintan oo dhameystiran ay maanta horgeynyan una akhrin doonaan intaas kaidbna ay iyada oo qoran gudbin doonan.

Guddigaan oo Shaqada uu hayay ay waqti badan qaadatay ayaa ka kooban 15 xubnood oo laga soo xulay xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya,waxana ugu dambeyn ay Maanta soo bandhigi doonaan warbixinta ay hayaan.

27-kii Bishii August ee sanadkan markii Dowladda Soomaaliya ay Itoobiya ku wareejisay Cabdi Kariim muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Madaxda Ururka ONLF ayaa Dowladda waxa ay arrintaasi kala kulantay culeys Siyaasadeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media