Guddiga Xiriirinta Hawlgalka AMISOM oo ka wada hadlay qorshahooda Mustaqbalka.

Guddigaasi waxay kulan uu albaabadu u xiran yahay ku yeesheen magaalladda Nairobi, oo ay ku lafagureen Xaalladda Milliteri ee dalka Somalia, waxayna garwaaqsadeen baahida AMISOM iyo Qorshaha Mustaqbalkooda.

Kulankaasi waxaa shir guddoomiyey Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira, waxaana Ka-qeybgalayaasha ka mid ahaa Madaxa Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Nabadda iyo Ammaanka, Ambassador Ismail Chergui, ku-simaha Taliyaha Hawlgalka AMISOM, Jeneral Mohamedesha Zeyinu iyo Taliyayaasha Milliteriga ee Dowladaha ay Ciiddamaddu ka joogaan Somalia.

Ambassador Francisco Madeira waxa uu Furitaanka Shirkaasi  waxa uu bogaadiyey Milliteriga AMSOM dadaalkooda ku aadan sidii ay Alshabaab ugala wareegi lahaayeen Deegaannadda ay ku sugan yihiin.

Waxa kale oo uu diirada saaray Horumarka ay AMISOM ka sameeyeen Somalia, tan iyo markii ay Askartii ugu horreyesay ee Nabad-ilaalinta Afrikaanka yimaadeen Magaalladda Muqdisho bishii Maarso ee sannadkii 2007-dii.

“Hawlgalka wadajirka ee AMISOM iyo Faragelinta kale waxay abuurtay xaallad horseeday Dadaalka Siyaasadda, gaar ahaan Dib-u-heshiisnta iyo Dhismaha Nidaamka Dowladda” ayuu yiri Madaxa Hawlgalka AMISOM oo Hawlgalka Ciiddanka AMISOM ku tilmaamay wax xaqiiqdaah oo la taaban karo.

Ambassador Francisco Madeira waxa kaloo uu ka hadlay Dhacdooyin badan oo Horumar laga gaaray Siyaasadda Somalia iyo Nabadda lagu naaloonayo ee haatan ka jirta dalka Somalia.

Dhinaca kale, Kulanka Guddiga Xiriirinta Hawlgalka AMISOM waxay isla soo qaadeen Saamaynta xun ee ka dhalatay Go’aanka ay Dowladda Midowga Europe ku yareeyeen Mushaaraadka Ciiddanka AMISOM.

Hadal qoraal oo ay Dowladaha ku bahoobay Ururka Midowga Europe bishii hore soo saareen waxay ku sheegeen inay yareeyeen 20% mushaaraadka ay siin jireen Askarta Hawlgalka AMISOM.

Askarta ka tirsan AMISOM waxay uu qofkiiba horey mushaar ahaan u qaadan jirey 1,028 Dollar bishiiba, taasi oo ah Kharaj badan marka loo eego Mushaarka Ciiddanka Dowladda oo Askarigiiba la siiyo 100-Dollar.

©Radio Dalsan        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor