Guddiga Saxafiyiinta Ee CPJ oo dalbaday in dib loo furo Wargeys ay xiren Maamulka Somaliland

War qoraal ah oo ka soo baxay Xarunta CPJ ayaa loogu yeeray Maamulka Somaliland iney ogoladan inuu dib u howlgalo wargeyska Codka Shacabka oo ka soo baxa Hargeysa.

Masuuliyiinta Somaliland ayaa amray in la xiro Wargeyska Codka Shacabka 24kii bishii Maarso ee idlaatay.

Warqada lagu xiray wargeyska ayaa ka soo baxday Xafiiska Xeer ilaaliyaha Somaliland iyada oo Wargeyska lagu eedeynayo inuusan ka diiwangashaneyn Maamulkasi kadib markii ay la wareegen Milkiilayal cusub.

Wargeyska waxaa dhawan iibsaday Koox Suxufiyiin ah kuwaas oo Qatar kala kulma Xukuumada Somaliland balse xisbi aan la safneyn.

Tifaftiraha Wargeyskasi Jamac Adam ayaa u sheegay CPJ in iyagu aan lagu heysan war ama warbixin,Wargeysku daabacay oo ay Xukuumada ka cabaneyso,balse lagu heysto,Warqadihii isdiiwangelin oo aysan dalbadan,isaga oo sababtana ku sheegay in Somaliland aysan bixin warqadahasi tan iyo 2011kii.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha oo qaabilsan inuu siiyo warqadaha Aqoonsiga Linsinka Wargeysyada Somaliland ayaa sido kale shaaciyay in wargeysyada Hubsad iyo Xogogaal ay carqaladeyeen Sharci qaadashada Warbaahinta dhawaana la xiray.

Xariga Wargeysyada ayaa ku soo beegmayada iyada oo uu Maamulka Somaliland isku diyaarinayo qabsoomida Doorashooyinka Maamulka oo ku jadwaleysan iney dhacayan Bisha Maarso 2017ka.

Hey’addaha Xuquuqda Aadanaha ayaa ku eedeya Maamulka Somaliland iney ku xad gudban Xuquuqda Warbaahinta Xorta ah.