Guddiga Maamulka U Sameynta G/Dhexe oo Beeniyay in La Isku Raacay in Cadaado Lagu Qabto Shirka Maamul Sameynta

Afhayeenka Guddiga Maamul U Sameynta Goboladda Dhexe Dalka Soomaaliya C/Ladiif C/Laahi Warsame ayaa Beeniyay in La Isku raacay Cadaado iney Martigeliso Shirka Maamul u Sameynta Goboladda Dhexe.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in Madaxweynaha iyo Ergooyinka ku sugan Magaaladda Dhuusamareeb ineysan isku wafaqin Halka lagu qaban doono Shirka.

War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale lagu shaaciyay in hore loo dhaqaajin doono Shirka Maamul U Sameynta Goboladda Dhexe.

Qaar Kamid Ergooyinka ku sugan Dhuusamareeb ayaa Maanta u sheegay VOA in La isku raacay Halka lagu qaban doono Shirka Maamul u sameynta Goboladda Dhexe Dalka.