Guddiga Dhaqaalaha Golaha Shacabka oo Maanta la kulmaya Ganacsatada G/Banaadir

Maanta ayaa la filayaa in ay kulan ku yeeshaan Gudaha Magalada Muqdisho Guddiga Dhaqaalaha Golaha Shacabka iyo Ganacsatada gobolka Banaadir oo cabasho qabta.

Kulankaan ayaa ah mid xal loogu raadinayo sidii loo xalin lahaa khilaafka Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada gobolka Banaadir soo dhexgalay kaas oo sababay in uu xirmo Ganacsigii Suuqa Bakaaraha.

Xildhibaan Beene Beene, oo ka hadlayay kulan ay yeesheen Guddiga joogtada Golaha Shacabka ayaa sheegay in kulanka Maanta uu yahay mid uu rajeynayo in wax badan ay ka soo baxaan xalna laga gaaro khilaafka Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa gudoomiyaha gobolka Banaadir uu la kulmay Guddi ka socda Ganacsatada kuwaas oo is-afgarad uu dhexmaray,waxana xusid mudan in weli Suuqa Bakaaraha uu xiran yahay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media