Guddiga Abaaraha oo si diiran loogu soo dhaweeyey Hargeysa.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha Dalka, Sheekh Buur Baaruud Gurxan ayaa maanta booqasho ku tegay magaalladda Hargeysa, si ay Maamulka Somaliland u gaarsiiyaan Kaalmo Dhaqaale oo loogu talagalay in lagu kalameeyo dadka ay Abaaruhu ku hayaan qeybo ka mid ah Goballadda.

Wafdiga Sheekh Nuur Baaruud horkacayo waxaa ka mid ah Hoggaamiye Dhaqameedyo, Ganacsato, Waxgarad iyo xubno ka tirsan Ururradda Bulshadda Rayidka.

Garoonka Cigaal Airport ee magaalladda Hargeysa waxaa ku soo dhaweeyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland, Shiikh Khaliil C/llaahi Axmed iyo Culumaa’udiin kale.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan waxa uu ka mahadceliyey sida loogu soo dhaweeyey Hargeysa, wuxuuna sheegay inay booqashadoodu ku salaysan tahay inay Kaalmo Dhaqaale oo Hal million oo Dollar soo gaarsiiyaan Maamulka Somaliland oo loogu talagalay dadka ay Abaaruhu ku hayaan qaar ka mid ah Goballadda.

Hoggaamiye Dhaqameedka Maxamed Xasan Xaad ayaa isagan tilmaamay in Safarkooda yahay mid ay Kaalmo ku soo gaarsiiyeen Walaalahooda, oo iyagu Gurmad hore la soo gaaray dadkii ay Abaaruhu ku hayeen qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia.

Wafdiga ka socda Guddiga Qaranka ee Abaaraha, waxaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan Guddiyadda Abaaraha ee Somaliland si ay ugu wareejiyaan Kaalmadda Dhaqaale ee ay ugu soo talagaleen.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federalka, Maxamed Cumar Carte ayaa isagana sheegay in Kaalmadda maanta hordhac u tahay Kaalmooyin kale ee la gaarsiin doona Walaalaha ku macluulsan qeybo ka mid ah Somaliland.

guddiga HARGEYSA

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor