Guddi Xaqiiqo-raadin oo ka socday Midowga Afrika oo u yimid Muqdisho si ay u eegaan  Hawlaha Doorashadda .

Guddigaasi oo ka kooban 4 qof ayaa la sheegay inay saqdii dhexe ee xalay soo gaareen magaalladda Muqdisho, iyagoo Kulamo la qaatay Madax ka tirsan Dowladda Federalka, Hawlgalka AMISOM iyo Xafiiska QM ee Taageerida Somalia.

War-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay inay Guddigaasi qiimeyn doonaan qaabka loogu diyaar garoobayo Doorashooyinka Madaxweynaha iyo tan Barlamaanka oo la qaban doona bilaha August iyo September ee sannadkan.

Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay inay Guddiga qorsheynayaan sidii Kormeerayaal ka socda Ururka Midowga Afrika goobjoog uga noqon lahaa Doorashooyinka ka dhacayo Somalia.

Dhinaca kale, Madaxa Ergadda Xaqiiqo-raadinta ee ka socda Ururka Midowga Afrika, Olabisi Dare waxa uu xusay inuu Safarkooda ku salaysan yahay sidii ay Dib-u-eegis ugu samayn lahaayeen Heerka Diyaar-garowga Doorashadaasi.

Olabisi Dare waxa kaloo uu tilmaamay inay doonayaan inay eegeen baahida jirta, si loo ogaado qaabka loo taageeri karo Hawlaha loogu diyaar garoobayo Doorashooyinka soo socda.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media