Guddi uu Hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibada oo Loo Magacaabay Wadahadalada Ahlu Sunna Iyo Galmudug

Ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre  ayaa guddi uu hor kacayo  wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar u magacaabay wadahadalada Ahlu sunna iyo Galmudug, si loo soo afjaro tabashada ay qabto Ahlu sunna, loona aado doorashada madaxweynaha cusub Galmudug ee la filayo inay dhacdo 30-ka Bishaan April.

Kheyre ayaa la sheegay inuu la kulmay madax ka tirsan Ahlu sunna oo uu kala hadlay arinta wadahadalalada labada dhinac oo ay dowladu dadaal ugu jirto sidii la’isugu keeni lahaa Ahlu sunna iyo Galmudug.

Wasiirka arimaha dibada iyo kan arimaha gudaha ee Juxa ayaa dhax dhaxaadin doona wadahadalka, si ay uga soo baxday natiijo wax waxtar leh, waxaana la filayaa in dhawaan toos uu u bilaawdo wada hadalka labada dhinac.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media