Guddi Isku-dhaf ah oo loo xulay Dhaqangelinta Heshiiska Nabadda ee Gaalkacayo.

GK 2Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid Cali Sharamarke ayaa ku guuleystay inuu Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland kulansiiyo, kana wada hadlaan Xal-u-helista colaadihii ka dhacay Gaalkacayo.

ffffffffShirkaasi oo maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacayo, ayaaa waxay Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Guuleed u yeesheen Kulan Toos ah, iyadoo Kulankaasi ahaa kii ugu horreeyey ee ay yeeshaan.

 

GK 2
Kulankaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka iyo Ergooyin Caalami ah ayaa waxay Labada Madaxweyne ballan-qaadeen inay fulin doonaan Heshiiska Nabadda, kana shaqeyn doonaan Nabadda Gaalkacayo.

GK 3Dhinaca kale, Kulankaasi waxaa lagu doortay Guddi Farsamo oo Isku-dhaf ah oo ka kooban xubno ka kala socda Dowladda Federalka, Maamulladda Galmudug, Puntland, Jubbaland iyo K/galbeed, si ay u sii ambaqaadaan Taabagelinta Heshiiska Nabadda iyo Xalinta Khilaafyaddii dhacay.

GK 4Madaxweynaha Jubbaland, waxaa la raaciyey Ergadda Puntland ee Guddiga Isku-dhafka, halka Madaxweynaha K/Galbeed isagana la raaciyey Ergadda Galmudug.

Ammaanka Garoonka Gaalkacayo ayaa aad loo adkeyey, waxaana dhinaca Ammaanka loo xil-saaray Ciiddanka Maamulka Puntland oo iyagu muujiyey Taxadar dheeraad ah.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor