Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka oo khamiis ah mudanayaasha barlamaanka Puntland, waxa uu horgeyn doonaa Golaha cusub ee wasiirada Puntland si uu kalsoonida ugu waydiiyo.
Wasiiradaani oo ka kooban 53 xubnood ayaa waxa ay isugu jiraan wajiyo cusub, kuwa xafiisyadoodii loo daayey iyo sidoo kale shaqsiyaad isku shaandhayn lagu sameeeyey xilalkii ay bulshada Puntland u hayeen.
Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta la filayaa in Wasiirada cusub ee kalsoonida siiyaan ama ay u diidan,walow ay jireen dhaliilo Cusub oo soo baxyay oo ku aadan qaabka uu usoo magacaabay.
Shir guddoonka Golaha Wakiilada ayaa Xildhibaanada hortooda ka akhrin doona taatiikhda Xubnaha Golaha wasiiarda midkiiba si markaasi kadib cod loogu qaado
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com