Goormee ayaa la Ciyaari doonaa Fiinalka Ciyaaraha Kubbadda Cagta Degmooyinka G/Banaadir?

Fiinalka tartanka kubbadda Cagta demooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu balansanaa in Caawa oo ay taariikhda ku began tahay 07-09-2017 in lagu soo gaba gabeeyo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho gaar ahaan Garoonka Banaadir, xili habeen ah balse la sheegin in dib loo dhigay.

Kulanka kama dambeysta ayaa waxaa soo gaaray degmooyinka Waaberi iyo Hodan oo ka soo kala adkaaday Kaaraan iyo Hiliwaa.

Finaalaha ugu dambeeya ayaa waxa la Ciyaari doonaa habeen dambe iyadoo wali lagu mashqulsanyahay sidii leerar Iftiin badan loogu xiri lahaa garoonka si  habeen dambe oo taarikhdu tahay 8/9/2017 loogu ciyaaro

Taariikhda ayaa inta la xasuusto tan iyo Burburkii dalka  waxaa  Caawa si tijaabo ah uga wada ciyaari doona laba Kooxood oo aan weli guddiga uusan Shaacin Magacyadooda si Habeen dambe tartankaan loo soo gabagabeeyo

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media