Goorma Ayaa Beerta Nabadda lagu gali doonaa lacag laáan (Warbixin)

Gudi ka kooban ilaa 5 xubnoo ayaa loo saaray iney dhaqan-galiyaan goáanki duqa Muqdisho ee ahaa in beerta nabada noqoto mid lacag lana lagu galo ama si bilaash ah .

 

Sida Dalsan heleyso Gudiga ayaa la kulmi doono maamulki Beerta si ay u dhagaystaan loogana shaqeeyo taaba galinta goáanki gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho ee ahaa in shacabvka soomaaliyeed si bilaash ah ku galaan beerta .

 

Gudiga kulankooda kadib waxaa ay warbixin ku celin doonaa duqa ahna gudoomyaha G/Banaadir Taabit Cabdi Maxamed kadibna la isla farsameeyo waqtiga dhaqangalinta goáanka gudoomiyaha .

 

Goáanka gudoomiye Taabit ayeey dad badan soo dhaweeyeen inkastoo gacansatada malgashiga ku sameeysay goobtaas ay saluugeen .

Beerta Nabada waxa ka jira dhaxdeeda agabnacsi xoogan sida garróomo lagu ciyaari , GYM , 3 maqaayad iyo parking .

Beerta ayaa ah xarun dawladda hoose ay leedahay oo ay maalgashteen gabacsato 3 sano ka hor .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor