Google oo xaqiijisay inay Internetka ka saareen Muuqaalkii Video-ga ee Alshabaab ka diyaariyeen weerarkii Ceel-cadde.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay mar sii horreysay Aaladda Internetka, gaar ahaan Baraha Bulshadda ku baahiyeen Muuqaal Video oo ay ka diyaariyeen weerarkii ay baretamihii bishii Janaayo ee sannadkan ku qaadeen Ciiddamo Kenyan oo ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Muuqaalkaasi oo muddo 50 daqiiqo soconayo ayaa lagu soo bandhigay Khasaarihii weerarkaasi, gaar ahaan Askarta Kenyanka ee lagu dilay Xeradaasi.

Haddaba Maareeyaha Shirkadda Google ugu qaabulsan Bariga Afrika, Dorothy Ooko ayaa sheegay inay Filimkaasi ka saareen Internetka, maadaama uu ka horimaanayo Sharciga Google iyo Xuquuqda Aadanaha, waa sida uu hadalka u yiri.

“Xaalladaha iyo shuruudaha waxa aad gelinayso YouTube waa cadahay, haddii aad gelisid wax ka hor imaanayo Xuquuda Aadanaha, waan ka saaraynaa” ayuu yiri Mas’uulkaasi.

Waxa uu mar kale xaqiijiyey inay Video-gaasi ka saareen qeybaha Internetka, ka hor inta uusan qof kasta daawanin.

Filimkaasi ay Alshabaab ka diyaariyeen weerarkii lagu qaaday Ciiddanka Kenya ee ku sugnaa Xerada Ceel-cadde, waxa ka muuqday Muuqaalo Ninkii isku qarxiyey Xeraddaasi, Askarta Kenyanka la dilay, kuwa la dhaawacay iyo gaadiid Tekniko oo la gubay iyo kuwo la qabsaday.

Weerarkii Ceel-cadde ayaa ahaa weerarkii ugu weynaa ee hal mar lagu waxyeeleeyo Ciiddanka Kenya ka jooga gudaha Somalia.

Lama garanayo tiradda Askarta Kenyan ee lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarkaasi, iyadoo Dowladda Kenya ilaa haatan aysan soo bandhigin tirada rasmiga ee Askarta lagu dilay Weerarkaasi.

Alshabaab waxay sheegteen inay weerarkii Ceel-cadde ku dileen in ka badan 100-Askari oo Kenyan ah, halka kuwo kalena ay Maxaabiis ahaan u haystaan.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo ay Shirkadda Google ka saaraan YouTube iyo Baraha kale Muuqaalo Video oo ay Alshabaab soo geliyeen.

Google, waxay sheegtay inay sannadkii hore ka saareen dhowr Muuqaalo Video oo ay Alshabaab ka diyaariyeen weerarkii ay ku qaadeen Deegaanka Mpeketoni ee duleedka magaalladda Lamu ee Gobalka Xeebta ee dalka Kenya.

CEEL CADDE 2

Xigasho: Allafrica.com

@Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor