Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM oo maanta ka arrinsanayo Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Somalia.

Magaalladda Geneva ee dalka Switzerland waxaa maanta Kulan Khaas ah  ku yeelanayo Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM si ay u qiimeeyaan Diiwaanka Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, iyadoo ay jirto su’aal muhiim oo ku adaan haddii ay wax iska beddeleen Xaalladda Suxufiyiinta, Dhibanayaasha la kufsado iyo Xadgudubyadda ku aadan Jinsiga iyo Dhibaatooyinka lagula kaco Barakacayaasha.

Cilmi-baare Hay’adda QM ee Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ugu qaabilsan Arrimaha Afrika oo lagu magacaabo Latita Bader ayaa walaac xooggan ka muujisay arrintaasi, waxayna sheegtay inaan wax horumar ah laga sameynin Tacadiyadda ka dhanka Xuquuqda Aadanaha ee Somalia.

Laetitia Bader222Sida lagu daabacay Websaytka Human Rights Watch ee www.hrw.org Bulshadda Barakacayaasha Soomaaliyeed oo badankooda ku nool Deegaanadda ay Dowladda Federalka maamusho waxay maalin kasta la kulmaan dhibaatayn iyo Tacadiyeeyn.

Warbixinta ayaa  lagu sheegay inkastoo ay Dowladda Federalka ansixisay Siyaasadda Wanaagsan ee Barakacayaasha, balse waa uu fashilmay Taabagelinta Qorshahaasi.

HRW waxay sheegtay in Sannadkii 2015-kii ay sii socdeen in Barakacayaasha soo wajahdo in si khasab ah looga saaro goobaha ay ku nool yihiin, oo mararka qaarkooda Ciiddanka Ammaanka ku kacaan.

Warbixin ay Human Rights Watch (HRC) so osaartay bishii March ee sannadkii hore, waxay heleen inay Ciiddanka Dowladda ka saareen 20,000 oo Barakacayaal ah xerooyinkii ay ka deganaayeen magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, Cilmi-baare Latita Bader ee ka tirsan Xafiiska Hay’adda QM ee Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ugu qaabilsan Arrimaha Afrika, waxay sheegtay in Suxufiyiinta Soomaalida weli lagu hayo cabsi-gelin iyo dilal, iyadoo kuwa falalkaasi ka mas’uulka ah aan la qabanin, si loola xisaabtamo.

Waxay sheegtay in Suxufiyiin ay la hadashay sheegeen inay haystaan hab-doorasho xadidan si ay ula tacaalaan Cabsida kaga timaada Madaxda ka tirsan Dowladda iyo Kooxda hubeysan ee Alshabaab.

SOMALI JOURNALIST PROTEST

Latita Bader waxay kaloo ka hadashay Sharciga cusub ee Warbaahinta Somalia, iyadoo sheegtay in la dhisayo Gole leh awood ay ku soo rogi karaan Ganaax Adag Dembiyadda aan caddayn, taasi oo ay xustay in Saxaafada laga dhigayo mid ku adag Nolosha.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federalka ayaa laga filayaa inay  Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM u ballan-qaadaan in la hakinayo Barakacayaasha la si ibarakicinayo ilaa laga helayo Qorshe Horumarsan oo hubaal-gelinayo Ammaanka Dadweynaha iyo inay helaan Adeegyadda Asaasiga, In Bolis tababaran la dhigo Xerooyinka Barakacayaasha, lana siiyo Badbaado kuwa ka samata-baxay Kufsiga iyo inDowladda dib-u-eegis ku sameeyaan Sharciga cusub ee Warbaahinta.

Ballanqaadyadaasi waxay hagaajin kartaa Nolol-maalmeedka inta badan dadka ugu jilicsan Bulshooyinka.

Xigasho: HRW

©Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor