Golaha Wasiirada oo meel mariyay xubnaha Guddiga Saxaafadda Soomaaliya

Golaha wasiirada ee xukuumada Soomaaliya ayaa kulankooda toddobaadlaha ah waxay ay maanta uga hadlen arrimo badan oo uu ku jiro ammaanka Dalka.

Kulanka oo uu shir gudoominayay ku simaha ra’iisul wasaaraha ahna sido kale wasiirka Caddaaladda  Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir ayaa sido kale lagu ansixiyay  xubnaha Guddiga Saxaafadda Soomaaliya oo uu horgeeyay wasiirka Warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

xubnaha Guddiga Saxaafadda Soomaaliya ee maanta la meel mariyay ayaa ka kooban 9 xubnood.

Golaha wasiirada ayaa sido kale dhageystay warbixino ay sooo jeediyen wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor