Shirkii Khamiislaha ahaa oo ay yeelan jireen Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta lagu ansixiyay laba sharci.
Shirkaasi oo uu shir-guddoominayay Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa lagu meel-mariyay laba sharci oo kala ah:- sharciga Maamulka Maaliyadda iyo sharciga xakameynta Hubka wax dila.
Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay sharci muhiim u ah Qaranka Soomaaliyeed kaasi oo ahaa sharciga Isgaarsiinta Dalka.