Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo kulan deg deg ah ku leh M/jowhar

Kulankaan deg dega ah ayaa waxa shir gudoominaya Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen guudlaawe,waxana looga hadlayaa xaaladaha guud ee Deegaannada Maamulak Hir-Shabeelle.

Wararka aan heleyno oo ku saabsan kulankaas ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka lagu xog wareysanayo Wasiirada amniga iyo Maaliyadda Maamulka Hir-Shabeelle kuwaas oo ka hadli doonaan waxyaabihii u qabsoomay.

Kulanka oo weli socda ayaa la filayaa  in saacadaha soo socda markii uu soo gaba gaboobo qodobo muhiim ah laga soo saari doono.

Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo aan maalmahaan kulmin ayaa hadda waxaa Xildhibaanada qaar ay sheegeen in lala xisaabtami doono.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media