Golaha Wasiirada Galmudug oo kulan deg deg ah ku leh Cadaado

Sida aan ku heleyno Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug kuwaas oo sheegaya in Xubnaha Golaha Wasiirada maamulkaas ay leeyihiin Kulamo gooni gooni ah.

Wasiirada ayaa waxa ay ka hadlayaan arrinta khilaafka ka dhex abuurtay Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug kadib Wareegtadii ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Xaaf oo lagu taageeray Xulufada Sacuudiga.

Golaha Wasiirada oo uu shirkoodii weli ka socdo Cadaado ayaanan weli wax faah faahin laga helin balse Xogaha ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayan in ay macquul tahay in ay ku taageeraan Madaxweyne Xaaf talaabadii uu qaaday.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa siwadajir ah waxa ay u sheegeen in Go’aankas uu ahaa mid aan lagala tashan halka Madaxweyne Xaaf uu isna sheegay in horumarka Galmudug uusan cidna kala tashaneyn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media