Golaha QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha oo dib-u-eegis ku sameeyey Heerka Xuquuqda Aadanaha ee Somalia.

Dowladda Federalka Somalia ayaa markii labaad Taariikhda waxay shalay ka qeyb galeen Shir Sannadeedka Golaha QM ee Xuquuqda Aadanaha oo lagu qabtay Xarunta Golahaasi oo ku taalla magaalladda Geneva ee dalka Switzerland.

Wafdi culus oo ay hoggaaminayso Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federalka Somalia, Sahra Maxamed Cali Samantar, oo uu ka mid ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaana ka qeyb galay Kulan-xilliyeedka 24-aad Kooxda Shaaqeynta ee UPR.

Shirkaasi oo afartii sannaba mar la qabto, ayaa waxa uu bilowday bishan Janaayo 18-da waxaana la soo gebagebeyn doonaan bishan 19-da.

Kulanka waa kii Labaad ee Dib-u-eegis lagu samaynayo Horumarka laga gaaray Xuquuqda Aadanaha ee Somalia.

the Federal Minister of Women and Human Rights, Ms. Zahra Ali SamantarWasiirka Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federalka, Marwo Sahro Maxamed Cali Samantar ayaa ka hadashay Horumarka Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, waxayna soo bandhigtay Tubta Qorshaha Xuquuqda Aadanaha iyo Qorshaha Tallaabooyinka lagu soo af-jarayo Xadgudubyadda Kufsiga ee Xilliyadda Colaadaha, Siyaasadda Qaranka ee Isku-dheelitirka Jinsiga, Dadaaladda lagu xoojinayo Ka-qeybgalka Haweenka ee Geeddi-socodka Siyaasadda iyo Tirada Haweenka looga qoondeeyey Kuraasta Barlamaanka Federalka Somalia.

Waxay kaloo ka hadashay Horumarka laga sameeyey Dhismaha Golaha Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, Ansixinta Heshiiska Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha.

Wasiir Sahro, waxa kaloo Khudbadeeda ku xusuusisay Beesha Caalamka inaysan  Somalia u illaabin sababo la xiriira colaadaha badan ee ka socda Caalamka.

X.I.QARANKADhinaca kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee QM, Axmed Cali Daahir oo isagana ka hadlay Shirka Golaha QM ee Xuquuqda Aadanaha ee ka socda magaalladda Geneva ayaa sheegay in Dib-u-hayn ku socoto Waaxda Garsoorka, Sharciga La-dagaalanka Argagixisadda iyo Sharciga dhawaan ee la ansixiyey Sharciga Warbaahinta, Sharciga Baddaha, si wax looga qabto Burcad-baddeeda iyo Qorshaha Dowladda ee dib loogu eegayo Xeerka Ciqaabta, si loo yareeyo Dembiyadda lagu kasabanyo Ciqaabta Dilalka.

Waxa uu Golaha QM ee Xuquuqda Aadanaha u xaqiijiyey inay Dowladda Federalka hubaal-gelinayso inaysan Ciiddanka Ammaanka geysan doonin Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha, sida Jirdilka iyo Qorshaha Dowladda ee La-dagaalamka Musuqmaasaqa.

Warbixinta Labadaasi Mas’uul u gudbiyeen Golaha QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha kadib, waxaa su’aalo weydiiyey Ergooyin ka kala socday 160-Waddan iyo Hay’adaha Caalamiga ee u dooda Xuquuqda Adaanaha oo iyagu saluugsan Heerka Xuquuqda Aadanaha Somalia iyo Culayska uu leeyahay Sharciga cusub ee Warbaahinta Qaranka.

©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor