Golaha Ammaanka ee QM oo War ka soo saaray Weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigga AMISOM ee Buulo Mareer

15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM waxay xalay yeesheen Kulan ay kaga hadleen Weerarkii bishan April 1-dii lagu qaaday Saldhigga ay Ciiddanka AMISOM ku leeyihiin Deegaanka Buulo-mareer ee Gobalka Sh/hoose.

Weerarkaasi waxaa lagu dilay, laguna dhaawacay tiro ka mid ah Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

War Saxaafadeed uu Goluhu soo saaray waxa uu ku baaqay in Sharciga la soo taago waxa uu ugu yeeray dadkii maalgeliyey iyo kuwii soo abaabulay Weerarkaas, waa sida uu hadalka u yiri..

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM  waxay hoosta ka xariiqeen inay Taageero Buuxda u hayaan Awoodda Ciiddanka AMISOM si loo yareeyo Cabsida Xarakadda Al-Shabaab iyo Kooxaha Mucaaradka Hubeysn ee ku sugan gudaha dalka Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media