Golaha Ammaanka ee QM oo u codeeyey in Somalia lagu sii hayo Xayiradda Hubka

14-xubnood oo ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxay xalay u codeeyeen in Somalia iyo Eritrea lagu sii hayo Cunaqabatayntii Hubka ee ay Golaha Ammaanka ku soo rogeen sannadkii 2009-kii.

Danjuraha dowladda Venezuela u jooga Golaha Ammaanka ee QM ayaan soo xaadirin xilligii codka loo qaaday Xayiraadaasi, iyadoo uu Danjiraha walaac ka muujiyey Erayadda lagu qorayo Qaraarkaasi haddii uu jiro xiriir u dhexeeya Dowladda Eritrea iyo Xarakadda Alshabaab iyo qoddobadda ay Dowladda Eritrea Iskaashigakala sameeyeen Kormeerayaasha QM ee Cunaqabatanya Hubka (the Somalia Eritrea Monitoring Group (SEMG).

Qaraarka xalay ka soo baxay Golaha Ammaanka ee QM, waxaa lagu xusay inay Dagaalamayaasha Alshabaab weli sii wadaan in Cabsi Khatr leh ku noqdaan Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia iyo dalalka Gobalka.

Goluhu, waxay mar kale ku celiyeen inaysan Cunqabatanta Hubka ee Somalia saamayn ku yeelan Karin dhinacyadda Keenista Hubak, Rasaaska, Qalabka Milliteriga, Talo-siinta, Tababarka iyo Tallaabooyinka lagu horumarinayo Ciiddanka Ammaanka ee Dowladda Federalka Somalia

Qaraarka ka soo baxay Golaha Ammanka waxa lagu xusay in walaac xooggan laga muujinayo caqabadaha sii kordhayo ee in Kaalmooyinka Samafalka Aadminimo la gaarsiiyo gudaha Somalia, wuxuuna Goluhu si xooggan u cambaareeyey Kooxaha is-hortaaga iyo kuwa qaabkaMaamul-xumida u adeegsado Kalmooyinkaasi.

Golaha Ammaanka ee QM waxay soo dhaweeyeen Tallaabooyinka Caalamiga ee looga hortagayo Dhuxusha sharci-darradda looga dhoofiyo Xeebaha Somalia.

Golaha Ammaanka ee QM waxay bishii October ee sannadkii hore soo saareen Qaraar lagu cusbooneysiiyey Cunaqabataynta Hubka ee Somalia, oo xilligiisu ku eg yahay dabayaaqadda bishan October ee sannadka 2015.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor