Golaha Ammaanka ee QM oo cambaareeyey qarixii ay Alshabaab la beegsadeen Shaqaalaha QM ee ka hawlgala Garowe

Golaha Ammaanka ee QM ayaa si xooggan u cambaareeyey weerarkii lala beegsaday Baskii waday shaqaalaha QM ee shalay lagu qarxiyey magaalladda Garowe ee Maamulka Puntland, kaasi oo lagu dilay 7 qof oo 4 ka mid ahaayeen Shaqaalaha Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF.

“Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM wxaay ka argagaxeen qaraxaasi oo ay Alshabaab sheegteen mas’uuliyadeeda” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Golaha Ammaanka oo ay faafisay XaruntaWararka ee QM (UN News Center) ee magaalladda New York.

Dhinaca kale, xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxay xuseen inay sii wadayaan taageeradda ay ka geystaan dadaalka Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta Somalia, waxayna hoosta ka xariiqeen in weeraradda beryahan dhacayey ay xoojinayaan sidii xal loogu heli lahaa.
Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay inay afar ka mid ah shaqaalahooda oo u kala dhashay dalalka Kenya, Uganda iyo Afganistan lagu dilay qarixii shalay ka dhacay Garowe.

Hay’adda UNICEF ayaa ka mid ah Hay’adda QM ee ka hawlgala gudaha dalka Somalia, waxayna Somalia ku sugnaayeen tan iyo sannadkii 1972-kii.

Adeegyadda Biyaha, Waxbarashadda, Badbaadinta iyo daryeelka caafimaadka Carruurta ayaa ka mid ah Hawlaha asaasiga ee ay Hay’adda UNICEF u xil saaran tahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor