Go’aanka Dowladda Federalka ee Nidaamka Doorashadda Aqalka Sare iyo midka hoose oo ay ku kasbatay Taageero iyo Mucaarad.

Dowladda Federalka ayaa waxay in muddo ah Siyaasad Furfuran kula dhaqmi jirtey Madaxda Dowlad-gobaleedyadda ee ay Jaalka ku yihiin Siyaasadda iyo Taabagelinta Nidaamka Federalka ee Qaranka Somalia.

Hoggaamiyayaasha Dowlad-gobaleedyadda waxaa loo seeto dheereeyey Fursadaha ay ku garan doonaan Awoodaha Dastuurka iyo Kala-sarraynta Xilalka ee Dowladda Dhexe iyo Dowlad-gobaleedyadda.

Hab-dhaqanka Dowladda ee ku dhisnaa Furfurnaanta ayaa waxaa loo qaatay inay Dowladda ku darajo tahay Dowlad-gobaleedyadda, waxaana kordhay Doodaha Siyaasadda iyo Gorgortanka ku aadan Jiheynta Nidaamka Doorashadda.

Dhismaha Guddiga Wada-xaajoodka Qaranka ayaana loo qaatay inay Madaxda Qaranka iyo kuwa Goballadda isku Darajo yihiin, isla markaana u siman yihiin Go’aan Qaadashadda Heerka Qaranka.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Madaxda Dowlad-gobaleedyadda marin habaabin ka haysto Hadafka loo dhisay Golaha Wada Tashiga Qaranka, Awoodda Dowladda Federalka ee Jaan-goynta Shaqooyinka iyo Ilaalinta Dastuurka iyo Danaha Qaranka.

Shirarka Wada-tashiga waxay qeyb ka mid yihiin Wada-tashiyadda lagu ururinayo Aragtiyaha Madaxad Goballadd iyo Ururradda Bulshadda, si loogala baxo Aragtiyada wax dhisayo, iyadoo meel la iska dhigayo Aragtiyaha horseedi kara Fowdadada Siyaasadeed, Is-maandhaafka iyo xasaradaha kale ee abuuri kara Khilaafka Siyaasadda, midda Deegaanka ilaa kuwa horseedi kara Qaran-dumiska.

Shirarkii Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ee Dowladda Dhexe iyo Dowlad-gobaleedyadda ayaa waxaa looga dan lahaa in ay Hoggaamiyayaasha wada tashtaan, kadibna wada gaaraan Go’aan Mideysan oo lagu sii ambaqaadi karo Hiigsiga Qorshaha la doonayo in la fuliyo sannadkan 2016-ka.

Laakiin, Wada-tashiyadda ayaa laga dhigay kuwo lagu gorgortamo si loogu helo Awoodo Shaqsiyadeed, mid Kooxeed, mid Beeleed iyo mid Deegaameed.

Shirkii Kismaayo ayaana laga dareemay inay jiraan caqabado ku aadan Guddoominta Shirarka iyo Go’aan Qaadashadda, wuxuuna shirkii noqday mid lagu kala aragti duwanaa oo aan ka turjumaynin Maslaxadda Qaranka.

Siyaasiyiinta sida kulul u naqdiya Dowladda Federalka ayaa waxay tilmaamaan inay Madaxda Dowlad-gobaleedyadda ka firfircoon yihiin Madaxda Dowladda Dhexe, waa sida ay Siyaasiyiinta Mucaaradka ku doodaan.

Waxay kaloo tilmaamaan inay Madaxda Dowlad-gobaleedyadda u muuqdaan  ka awood badan oo si karti leh ugu hal adeegay in Doorashooyinka lagu saleeyo Aragtida ay arkeen inay Dan Shaqsi, mid Isbahaysi ama Beeleed ku jirtay.

Siyaasiyiinta qunyar-socodka ayaa iyagana rumeysan inay Dowladda ku saxsan tahay inay ciyaarto Siyaasad Furfuran, Wada-tashiyo la isku weydaarsado Aragtiyaha lagu fulin karo Hawlaha Qaranka iyo inay Go’aan Kama Dambays qaadato haddii uu miro dhali waayo Geeddiga Wada-Tashiyada ku aadan Danaha Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, Go’aankii Dowladda Federalka ku go’aamisay Nidaamka Doorashadda 2016-ka ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa Fursad ay Dowladda Federalka ku muujisay Dulqaadka Siyaasadeed.

Nidaamka Doorashadda iyo Qaabka loo qeybiyey Kuraasta Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ayaa lagu tilmaami karaa Xal-dhexe, maadaama uusan dalka weli gaarin Nidaamka Doorashadda Dimuqraadiga ee Hal Qof iyo Hal Cod.

Madaxda Dowlad-gobaleedyadda waxay badankooda taageereen Nidaamka Doorashadda, marka laga reebo Madaxweynaha Puntland oo isagu weli ku adkeysanayo Nidaamka Doorashadda Deegaanka.

Saami-qeybsiga waxaan lagu darin Gobalka Banaadir, taasi oo u muuqata Qalad Aan Garowshiyo Lahayn, waxaana Dowladda laga dhawrayaa inay dib-u-sixid sameyso, si Xuquuqda Reer Muqdisho uga helaan Saami-qeybsiga Nidaamka Doorashadda.

Ma cadda sababaha ay Dowladda saamiga ugu qoondeyn waayeen Gobalka Banaadir, mana cadda sababaha Maqaam Gaar ah loogu curin lahaa Gobalka Banaadir oo ay ku nool yihiin in ka badan 2 malyan oo qof oo ka soo kala jeeda Somali-weyn.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federalka waxaa lagu bogaadin karin Go’aanka laga soo saaray Nidaamka Doorashadda, laakiinse waxaa Dowladda looga baahan yahay inay dib-u-eegis ku sameeyaan Nidaamka loo qeybiyey Kuraasta Labada Gole ee Barlamaanka, maadaama ay jiraan Saluug iyo Cabasho Dadweyne oo loo baahan yahay inay Madaxda Qaranka u dhega nuglaadaan.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor