Go’aan laga gaaray khilaafkii ka dhashay doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliland

Maxkamada Sare ee Maamulka Soomaaliland ayaa Go’aan rasmi ah ka gaartay khilaafkii ka dhashay doorashadii gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas kaas oo u dhaxeeyay Baashe Maxamed Faarax iyo Cabdiraxmaan Tayanle.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliland ayaa Warbaahinta u sheegay in dacwad uu u soo gudbiyay Cabdiraxmaan Tayanle oo doorashadii dhacday looga adkaaday islamarkaana dacwadaas aysan aheyn mid sharci ah.

Waxa uu sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya sihoose khilaafkaas loo xalin doono laguna dhaqi doono xeer hoosaadka Golaha Wakiilada Soomaaliland.

Khilaafkii u dhaxeeyay CabdiraxmaanbTayanle iyo Baashe Maxamed Faarax ayaa dhawaan sababay gacan ka hadal taas oo keentay in ay soo dhexgasho Maxkamadda Sare ee Soomaaliland

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media