Geerida Maxamed Cali Kalaay oo qabsatay baraha Bulshada

Maxamed Cali Kalaay oo ahaa mid kamid feeryahanadii ugu taariikhda fiicnaa dunida oo xalay ku dhintay wadanka Mareykanka ayaa maanta looga hadlayaa baraha Bulshada sida Twitterka iyo Facebook.

Dad isugu jira qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa soo dhigay barahooda bulshada tacsi iyo ammaanka ay u jeedinayan Maxamed Cali Kalaay iyo qoyskiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa kamid ah dadkii ka soo hadlay geerida Maxamed Cali Kalaay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalam Hadliye Cumar ayaa bartiisa Twitterka isagana ku soo qoray in Maanta caalamku waayay nin weyn oo halyeey ah.

Dad kale oo badan ayaa iyagana soo geliyay barahooda Bulshada tacsida ay u dirayan qoyska Maxamed Cali Kalaay.