Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federalka oo Sharci-darro ku tilmaamay Xukunkii Ilka-xanaf ee Hoggaanka NUSOJ.

Waxaa isa soo taraya Diidmadda looga soo horjeedo go’aanka uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka uu xukunka halka dhinac ah ee uu ugu aqoonsaday inuu Cumar Faaruuq Cismaan yahay Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ.

Go’aankaasi ayaa waxa uu daaha ka rogay qaabka uu Ilka-xanaf u ilduufiyo Majaraha Garsoorka iyo Xilka Qaran ee lagu aaminay, waayo waxa uu Xilkaasi sifo aan Sharci ahayn ugu go’aamiyey   Cumar Faaruuq xilka Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ oo dhowr sanno ka hor laga qaaday.

Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federalka Somalia, Dr. Cismaan Cilmi Guuleed ayaa daaha ka rogay in Xukunka uu go’aamiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare yahay Xukun Sharci-darro ah.

Garyaqaanka Guud oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Muqdisho waxa uu sheegay in qaabka uu Dacwadda u qaaday Caydiid Ilka-xanaf  tahay mid xaq-darro, maadaama uu Xukun riday iyadoo mid ka mid dhinacyadda ay Dacwaddu khuseysay uu ka maqnaa Madasha Maxkamadda, loona yeerin.

“Labada dhinac ee Dacwaddu u dhexeyso ee Cumar Faaruuq iyo Maxamed Pakistan iyagoo wada jooga magaalladda Muqdisho ayaa waxaa si sharci-darro ah hal dhinac loogu xukmiyey dacwadda” ayuu yiri Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federalka oo intaasi ku daray in dib loo qaadi doono Dacwadaas.

Dr. Cismaan Cilmi Guuleed waxa kaloo uu ka shanqariyey Is-haysashadda Xilka ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka “NUSOJ” uu yahay arrin khuseysa Xirfadleyda Saxaafadda.

Hadalka Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federalka Somalia ayaa soo baxay, iyadoo uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ku xad-gudbayo Sharciga, isla markaana uu xukmiyey Go’aan Gar-eexo ah oo uu hal dhinac ku taageeray.

Waxa kale oo uu Caydiid Ilka-xanaf si ku-talagal ah  faragelin Maamul  ugu sameeyey Hawlihii Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka Somalia oo ay iyada hoos tagaan dhamaan Suxufiyiinta iyo Ururadda Warbaahinta ee Dowladda Federalka iyo kuwa Madaxa Bannaan ee ka dhisan dalkeenna.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxda Sare ee Dowladda Federalka waxaa la gudboon inay fiiro gaar ah u yeeshaan Hab-dhaqanka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, oo isagu noqday Mas’uul ku durdurinayo Nidaamka Garsoorka Qaranka, Xuquuqda Muwaadiniinta iyo isagoo ku takrifalayo Awoodda Maamul ee loo idmaday.

ilka xanaf

©Radio Dalsan