Garsoore Maraykan oo laalay qorshe lagu sii dayn lahaa dhallinyaro Somali ku biiri lahaa Daacish

Garooraha Maxkamadda Minnesotta ee dalka Maraykanka, Michael Davis  ayaa ku gacan sayray codsiyo lagu doonayey in lagu sii daayo saddex dhallinyaro Somalia, kuwaasi oo la sheegay inay doonayaan inay ku biiraan Dagaalamayaasha Daacish ee ka hawlgala dalka Syria.

Garooraha waxa uu sheegay in Kiiskooda mar kale la dhegeysan doono bisha September ee soo socoto, lana eegi doono haddii la sii dayn karo saddexdaasi dhallinyarro oo lagu kala magacaabo Hamza Ahmed oo 20-jir ah, Zakariya Abdirahman iyo Hanad Muse oo 19-jirayaal ah.

Eedeysanayaashaasi ayaa lagu sii hayn doona Xabsiga inta mar kale la eegayo qorshaha lagu sii dayn karo.

Garyaqaanadda Eedeysanayaasha ayaa soo bandhigay qorshe ay Hoggaamiyayaasha Mujtamaca Somali-Maraykanka kula socon doonaan  dhaqdhaqaaqa eedeysanayaashaasi, si ay ugu soo biiraan nolosha caadiga ee Bulshadda.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor