Garsoore British oo Eedeysane Somali ku amray inuu ka qeyb galo Seminaar lagu daaweeyo ragga u nugul Haweenka.

Ali Abdullaahi oo 35 jir ayaa la soo taagay Maxkamadda Exeter Crown Court, kadib, markii lagu soo oogay inuu labo haween ku xad-gudbay, xilli uu saarnaa Tareen ku sii jeeday Degmadda Devon ee Gobalka England.

Eedeysanaha oo Ilaaliye dhinaca Ammaanka ahaa ayaa lagu soo oogay inuu gabar 15-jir ku dhunkaday  barxadda Bosteejadda Tareenka, isla markaana uu haweeney kale ku dhex taabtay gudaha Tareenka.

Garsoore Graham Cottle oo dacwadaasi qaadayey waxa uu amray in Eedeysanaha ka qeyb galo Seminaar lagu daaweeyo Dadka uu dareenkooda u nugul yahay La-haasaawida Haweenka.

“Waxaad u baahan tahay inaad barato sida loola dhaqmo gabdhaha yaryar iyo Barnaamij kaa caawin doona si aadan ugu degdegin” ayuu yiri Garsooraha oo intaasi ku daray inuu Tababarkaasi qeyb ka qeyb ka yahay Ilaalayn uu ku hayn doono Eedeysanaha muddo 3 sannadood.

Dhinaca kale, Qareen Adrian Chaplin ayaa sheegay in loo bahaan yahay inuusan Eedeysanaha mar kale ku hodmin Dembiyadda lagu soo oogay.

Eedeysanaha waxa uu dalka Britain tegay sannadkii 2011-kii.

Xigasho: exeterexpressandecho.co.uk

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor