Garsoore British oo codsaday in la dhiso Maxkamado Khaas u ah Dhallinyarradda yaryar ee ku biirayo Daacish

Garsooraha Maxkamadda Sare ee magaalladda Bristol ee dalka Britain, Justice Hayden ayaa ku baaqay in la dhiso Maxkamad Khaas ah oo Toban jirayaasha ka soo laabta Daacish, si  loogu sameeyo Dhaqan-celin iyo in la nadiifiyo maskaxdooda “Brainwashed”.

Garsooraha waxa uu ku eedeeyey Dhallintarradda yaryar inaysan lahayn caqli ay go’aan kaga gaari karaan danahooda wanaagsan.

Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii ay  shalay Waaxda Qoysyska ee Maxkamadda Sare ee  magaalladda Londonla hor keenay dacwad ku aadan gabar Somali-British oo 17-jir deggan magaalladda Bristol.

Ciiddanka Ammaanka ayaa la sheegay inay gabadhaasi ku qabteen Garoonka Bristol bishii April ee la soo dhaafay,xilli ay doonaysay inay u ambabaxdo dalka Turkiga,  kadibna ku biirto Kooxda Daacish.

Gabadhaasi oo 17-jir ah ayaa laga qaaday Baasaboorkeeda, waxaana loo ballan qaaday in Baasaboorkeeda loo soo celin doono marka ay 18-jir noqoto.
Xigasho:- bristolpost.co.uk

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor