Garsoorayaasha loo xulay dacwadda Alshabaabkii geystay qaraxyaddii Kampala oo ilaalo loo sameeyey

Shan Garsoore ayaa la sheegay in loo xulay Xeer-beegtida qaadi doonta dacwadda loo haysto 11-qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen qaraxyaddii mataanaha ee Kampala ka dhacay  sannadkii 2010-kii, oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 70-qof.

Kooxda Garsoorayaasha oo ka kooban shan qof ayaa dhegeysan doona dacwadaasi oo la qaadi doono bisha soo socota ee June 8-da.

Sidoo kale, Garsoorayaasha ayaa waxaa la siiyey Ilaalo xooggan, si loo sugo ammaankooda, kadib, markii horey loo khaarijiyey Garsoorad u xil-saarnayd Kiiskaasi.

Garsooradaasi oo la oran jirey Joan Kagezi ayaa waxaa lagu toogtay gudaha magaalladda Kampala bishii March 30-dii.

Ma jirto cid loo soo qabtay filkaasi.

Dhinaca kale, waxaa la  xadiday Suxufiyiinta goobjoog ka noqon doonta Dhegeysiga Dacwadda iyo Xukunka lagu ridi doono Eedeysanayaasha lagu tuhunsan yahay qaraxyaddii shan sanno ka hor ka dhacay magaalladda Kampala.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor