Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo dib loo furay

Mudo laba Maalin ah ayuu xirna Ganacsiga suuqa ugu Weyn Soomaaliya iyo Bakaaraha kadib markii khilaf uu soo kala dhexgalay Ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Laba Maalin oo Shaqa joojin ah ayay Ganacsatadu ku dhawaaqeen iyaga oo ka cabanayay Canshuur ay ku kordhisay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya,waxaana xirnaansha Suuqa uu reebay saameyn weyn.

Ganacsatada gobolka Banaadir Gudiyo ka socday ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Masuuliyiinta dowladda,waxaana Ganacsatada lagu qanciyay in ay suuqa dib u furay isla markaana jawaab lasiin doono.

Labadii Maalmood ee uu xirnaa Suuqa ayaa wax auu saameyn weyn ku yeeshay dadka danta yare e Suuqaasi ka xamaalan jiray iyo kuwo kale oo nolol malmeedkooda ka raadsan jiray.

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa haatan jawaab ka sugaya Xukuumadda Soomaaliya,waxa ayna weli ku adkeysanayaan in aysan bixin doonin lacagta Canshuurta ah ee lagu soo kordhiyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media