Waxaa Maalintii labaad xiran Ganacsigii Suuqa Weyn ee Bakaaraha kadib Shaqa Joojin ay Ganacsatadu ku dhawaaqeen Maalin ka hor,iyaga oo cabasho ka qaba in Canshuurtii laga qaadi jiray lagu kordhiyay.
In kastoo uu socdo dadaalo arrintaasi xal looga gaarayo ayaa hadana Maanta waxaa gebi ahaanba xiran Goobaha Ganacsi ee ku yaalla Bakaaraha,waxaana la arkayaa Ganacsatada oo hordhoobay Goobahooda Ganacsi.
Xirnaanshaha Suuqa Bakaaraha ayaa wax ay saameyn ku yeelatay dadka danta yar ee nolol maalmeed ka raadsan jiray Suuqaas,waxana dadkaas iyo Ganacsatadaba ay Xukuumadda Soomaaliya ka dalbanayaan in khilaafka sababay xirnaanshaha Suuqa la xaliyo.
Isniinta Maanta ayaa lagu wadaa in ay kulan wada qaataan Gudi ka socda Ganacsatada iyo Gudiga Ganacsiga golaha Shacabka.