Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

5 qof ayaa la sheegay in lagu dhex dilay Dukaan uu Ganacsade Soomaali ku lahaa DegmaddaKuwa Dalangezwa ee Waqooyiga Gobalka Kuwazulu-Nataal ee dalkaasi.

Toogashadaasi waxaa kaloo lagu dhaawacay 2 qof oo xaalladooda aad u liidato, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka.

Shabakadda Wararka ee enca.com ayaa daabacday ayaa qortay inuu dilkaasi u muuqday isku-day lagu doonayey in lagu dhaco Dukaankaasi.

Koox hubeysan oo South Afrikaan ah ayaa la sheegay inay Toogasho ku dileen 2 Ilaaladda Ammaanka iyo 3 qof oo ku jirtay Dukaanka, waxayna Burcaddu dhaceen lacag caddaan ah oo dhamayd 50,000 ee Lacagta dalkaasi ee loo yaqaano Randa

Ibraahim Maxamed oo ka mid ahaa Sahqaalaha Dukaanka ayaa sheegay inuu Weerarkaasi ahaa Fal Dhac ahaa, isla markaana ay had iyo jeer ka dhacaan dalka Koonfur Afrika.

“Ma dhihi karno weerarka waxa uu xiriir la lahaa Falalka Isir-nacaybka ka jira dalkaasi. Waxa uu weerarku ahaa dhac, maadaama uu sannadku dhamaanayo”ayuu yiri Ibraahim Maxamed.

Dhinaca kale, Madaxa Ammaanka Bulshadda ee Gobalka  KwaZulu-Natal pp lagu magacaabo  Makolisi Kaunda ayaa sheegay inay ka war heleen Dhaca Hubeysan iyo dilka ka dhacay Dukaanka Soomaalida, isla markaana ay wadaan baaritaano lagu soo qabanayo dableydii ka dambaysay dilka 5-ta qof iyo dhaca.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee ay Burcadda South African-ka dhac iyo dil ka geystaan goobaha Ganacsiga ee ay dadka Soomaalida ku leeyihiin dalkaasi.

Xigasho: enca.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media