Ganacsato Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Africa

Wararka ka imaanaya magaaladda Eastern Cape ee dalka koonfur Africa ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay ganacsato soomaaliyeed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in burcad  hubeysan ay weerareen goob ganacsi oo ku taala magaaladaasi kadibna ay toogteen labo ruux oo ganacsato soomaali ah.

Kooxdii burcad-ka ee dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay waxaana meesha uu falka ka dhacay soo gaaray ciidamadda aamanka dalka koonfur Africa kuwaas oo sameeyay baaritaano lagu baacsanaayo dadkii falkaasi geystay.

Ma’ahan markii ugu horeysay oo dalka koonfur Africa lagu dilo ganacsato soomaaliyeed kuwaas oo aan waxba galabsan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor