Ganacsato Soomaali ka badbaaday weerar ay ku soo qaadeen Burcadda Koonfur Afrikaanka ah

Saddex Ganacsato Soomaali ah ayaa si dirqi ah uga badbaaday dhimasho, kadib, markii bam laga farsameeyey shidaal iyo tacshiirad lala beegsaday Dukaan ay ku lahaayeen magaalladda Darban.

Wargeyska The Sunday Tribune ee ka soo baxa dalka Koonfurta Afrika ayaa qoray inuu Dukaanku dab qabsaday, isla markaana uu saqafkii wada gubtay.

Saddexda Ganacsade ee ka badbaaday Shilkaasi oo lagu kala magacaabo Yahya Ali oo  25-jir ah, Ali Mohamed oo 29-jir ah iyo Abdulle Elmi, oo 30 jir ah ayaa dhex hurdayey Dukaanka, markii ay maqleen buuq ka jirey duleedka Dukaanka ay jiifeen.

Waxayna Ganacsatadaasi markii dambe si dirqi ah kaga baxsadeen, kadib, markii ay Burcadda Koonfur Afrikaanka ah ay tacshiirad iyo qarax  qabadsiiyeen Dukaanka oo wada ololay.

Milkiilaha Dukaanka oo lagu magacaabo Osman Mohamoud ayaa u sheegay Boliska inuu dabku baai’iyey raashin iyo alaabo kale oo uu Dukaanku ku iibin jirey iyo lacag dhan 80,000 oo Lacagta Randiga ee laga isticmaalo dalkaasi.

Dhinaca kale, Afhayeenka Boliska ee Gobalka KwaZulu Natal, Kolonel Jay Naiker ayaa xaqiijiyey in la gubay Dukaan ay Ganacsato Soomaaliyeed lahaayeen, wuxuuna xusay inay baarayaan arrintaasi.

Afhayeenka waxa uu ku dooday inay suurtogal tahay inuu shilkaasi ku lug leeyahay Tartan ka dhexeeya Ganacsatada, ee uusan weerarku ahayn fal Isir-nacayb ah.

Horey, boqolaal Dukaan oo ay Ganacsato Soomaali leeyihiin ayaa lagu boobay dalka Koonfurta Afrika, iyadoo Ganacsato badan la dilay ama lagu dhaawacay boobka ay Burcadda Koonfur Afrikaanka ku soo qaadaan Goobaha Ganacsatadda Soomaalida , haba ugu badnaadeen kuwa ku yaalla Gobalka Kuwazulu Natal.

© Warqabadka Dalsan Radio

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor