Ganacsatadda Soomaalida ku nool Koonfurta Afrika oo xiriir fiican la yeelanayo dadka Deegaanka

Urur ay ku mideysan yihiin Milkiilayaasha Ganacsiyadda Soomaalida ku nool Gobalka Western Cape ayaa waxay deeq cunto ah gaarsiiyeen Arday carruur ah oo wax ku barata Deegaanka Gugulethu.

Cawaale Salaad oo ka mid ah Ganacsatada deeqda bixisay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay qaaraan ku darsadaan barnaamijyadda lagu horumarinayo Bulshooyinka South Afrikaanka ee ay ku dhex ganacsadaan.

“Waxaan si wadajir ah ula nool yihiin Bulsgadda, waana aragnaa baahida u baahan in lala wadaago dadka Deegaanka” ayuu yiri Ganacsadahaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay qorsheynayaan in la dhiso Wadajir ah oo ka shaqeeya Danaha Ganacsatadda Soomaalida iyo Maamulka Gobalka Western Cape.

Qar ka mid ah Madaxda iyo Cuqaasha Deegaanka Gugulethu ayaa ka mahadceliyey deeqada ay Ganacsatadda Soomaaliyeed u fidiyeen carruurta Ardayda ah

Mzwakhe Nqavashe oo ka mid ah Madaxda Maamulka Deegaankaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Kaalmadaasi, wuxuuna xusay inay Jaalliyadda Soomaalida doonayaan inay sare u qaadaan Bulshadda Deegaanka.

Waxa uu hoosta ka xariiqay inay doonayaan inay ka mid noqdaan dadka Deeganka, si loo hubiyo in qof kasta oo ku nabad galo Bulshadda Deegaanka dhexdeeda.

 © Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor