Ganacsatadda Soomaalida iyo Shisheeyaha ku nool dalka Koonfurta Afrika oo lagu soo rogay Kharaj lagu badbaadiyo

Ganacsatadda Soomaalida oo iyagu dhibaatooyin badan kala kulma Burcadda Koonfur Afrikaanka ee boobka iyo dilka geysta, ayaa waxaa maalmahan socotay dhaqdhaqaaq lacago looga qaadayo Ganacsatadda, taasi oo la sheegay in lagu sugayo Ammaankooda.

Qoraal la sheegay inuu ka soo baxay Ururka Bulshadda Qaranka Koonfurta Afrika (SANCO) ee Deegaanka Makhazza ee Gobalka Khayelitsha ayaa lagu sheegay in dadka shisheeyaha bixiyaan lacag dhan 150 Rand oo ah Lacagta laga isticmaalo Koonfurta Afrika.

Qoraalkaasi oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Ururka SANCO ee Deegaanka Makhaza,Muthethwa Filitia ayaa Ganacsatadda looga codsaday inay bixiyaan Kharajkaasi, si looga badbaadiyo weeraradda Shisheey-nacaybka.

“Waxaan weydiisanay ugu yaraan 150 Rand Dukaankiiba” ayuu yiri Mas’uulkaasi oo u waramay Wargeyska Daily Voice, wuxuuna intaasi ku daray in lacagtaasi loo adeegsanayo sidii Ganacsatadda Shisheeyaha looga badbaadin lahaa weeraradda Isir-nacaybka.

Lacagahaasi ayaa markii dambe la isku qabsaday sharci ahaanteeda, wuxuuna Mas’uulkii amray bixinta Lacagahaasi ku dooday in Kharajka uu ururiyey ahayd mid loogu talagalay in loo adeegsado Wicitaanka Telefoonadda  dadka Ganacsatadda, si  loogu sheego inay ka soo qeyb galaan Shir looga hadlayo Ammaanka.

Ganacsade Somali oo lagu magacaabo David Ahmed Ali ayaa u sheegay Wargeyska Daily Voice, inuu bixiyey Lacagahaasi, maadaama qoraalka ahaa mid u muuqday inuu dhinaca Dowladda ka yimid.

“Waxay nagu yiraahdeen waxaan u isticmaalaynaa sidii loo joojin lahaa weeraradda isir-nacaybka” ayuu yiri Ganacsadahaasi oo 24-jir ah.

Dhinaca kale, Afhayeenka Soomaalida ku nool Gobalkaai, Abdulkadir Mohamed ayaa sheegay inaysan ku baraarugsanayn Mashruucaasi caymiska.

Xigasho:- Daily Voice

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor