Ganacsatada ha ka fekeraan Qalabka ay Carruurta ku ciyaaraan Maalmaha Ciidda !!!

Sannadkan waxaa si nabad iyo farxad leh loogu dabaal degay Maalmaha Ciiddul-fidriga, iyadoo ay Malaayiin qof si mar-la-arag u damaasheen.

Waa hubaal in Caasimadda Muqdisho iyo magaallooyinka kale si heer sare looga dabaal-degay Maalmaha Ciidda, waxayna dadku isku marxabaysiinayeen Xalaawaadka iy inay Reeraha is-booqdaan.

Waa hubaal qofkii ku ciidday magaalladda Muqdisho inuu dareemay farxadda ciidda iyo saxmadda faraha badan ee ka jirtay Gaadiidka, Waddooyinka, Xaafadaha, Faras-magaalaha iyo Xeebta Secondo Lido.

Dareen aan la cabiri Karin ayaana lagu sifeyn karaa Damaashaadkaasi, balse waxay indhuhu qabanayeen inay Ganacsatadu gef qaran galeen, kadib, markii ay  qalabka carruurta ku ciyaaraan ee ay suuq keeneen u badnaa qoryaha iyo bistooladaha caagga ka samaysan.

Waxayna Waalidiintu aad uga xumaadeen arrintaasi, inkastoo ay ku khasbanaayeen inay ubadkooda u iibiyaan Qoryaha iyo Bistooladaha, si aysan carruurta u niyad xumaanin maalmaha Ciidda.

Ganacsatadda qalabkaasi keenay waxay lumiyeen inay la socdaan Wadciga lagu jiro, isla markaana ay keenaan qalabyadda kale ee Carruurta ku ciyaaraan, si aysan carruurta ugu barbaarin qoryaha.

Barqanimaddii shalay oo aan dhowr Bas raacay, waxay hadal-hayntu ugu badan ahayd Dhaliisha loo  jeedinayo Ganacsatadda ganacsi ahaanta suuqa u soo dhigay qoryaha iyo bistooladaha, maadaama ay carruurta u nugul yihiin inay ku dhaqmaan fal kasta oo ay ku dhex arkaan Bulshadda.

Oday Waaya-arag ah oo Baska nala saarnaa ayaa ku taliyey inay Dowladda Federalka mamnuucdo inay Ganacsatadda keenaan qalabka carruurta ku dhiirigelin kara inay ku barbaaraan hubka macmalka ee Maalmaha Ciiddaha la soo dhoobo Suuqyadda iyo Waddooyinka.

Oday kale oo malaha aan u fahmay inuu muddo Qurno-joog ku ahaa dalka South Afrika ayaa sheegay inay South Afrika mamnuuc ka tahay in qoryaha iyo bistoolaha caagga lagu iibiyo Suuqyadda, wuxuuna tilmaamay in qalabyo kale oo carruurta waxtar u leh in la keeno Maalmaha Ciidda.

Iyadoo aan aad ugu dhega taagay Fadhi-ku-dirirka Baska ayaanu nimid Bosteejadda, markaan baskii ka soo degay waxay indhahaygu qabteen carruur wadata qoryaha ciidda oo koox-koox isku eryanaya qoryaha iyo bistooladaha loo isticmaalo  baaruudda iyo biyaha.

Iyadoo aan wax badan iska weydiinayo qoryaha ay ku ciidayaan ayaan waxaan soo raacay Bas taagnaa Tiyaatarka Qaranka, haddana Rakaabkii ayaa hadal-hayaa ciyaal igu muuqday inay deggan yihiin Ex-Fiyooro oo koox-koox isku cayrsanayo, kuwaasi oo isku ridayey bistoolaha laga rido biyaha, kuwa kuusha iyo weliba Is-tuuryeyn dhagax ahaa.

Dareewalkii ayaan ku qeylinay si uu meesha inooga kaxeeyo, maadaama ay qaar ka mid ah carruurta wateen qori muuqaal ahaan iyo dhumuc ahaan aad ugu ekaa Qoriga AK 47, isla markaana ay ciiddan ka dhawaayeen halka laga rarayey Baska.

Waa hubaal inay khatar ka dhici karto haddii ay ciiddanka si kedis ah ula kulmaan  ilmo yar oo qoryo macmal ku ciyaarayo, illayn xaalladda haatan lagu jiro ayaa iska ah mid had iyo jeer keebka lala yururo.

Waxaa Ganacsatadda ku habboon inay sameeyaan Carwooyinka Carruurta sida Carwaddii Qaranka, lana keeno qalabka ay carruurta ku ciyaaraan, sida gaadiidka, tareenadda, fardaha iyo wiifowga casriga ah iyo qalabyadda kale ee kordhin kara caqliga carruurta.

Haddaba, haddaynu u soo daadegno biyo-dhaca, waxaa lama huraan inay Wasaaradda Ganacsiga iyo Hay’adaha Amniga ka fekeraan sidii Ganacsatadda looga mamnuuci lahaa inaysan ganacsi ahaan u keenin Qalabka Carruurta ku abaabin kara Akhlaaq-xumida.

Waxaan galay xusuus, waxaan soo xusuustay ciyaalnimadeyda iyo qalabka aan ciiddaha isticmaali jirney, oo aan lahayn qoryaha iyo bistollaadaha aadka ugu muuqaalka adag qoryaha AK 47

wiifow 2 wiifowwiifow 2