Ganacsade wax ka dhisay Maamul-gobaleedka Galmudug oo lagu dilay Muqdisho.

Ganacsade Gaabe Maxamuud Duqow oo ka mid ah Ganacsatada Suuq Bacaad ee Degmadda Yaaqshiid ayaa xalay lagu dilay agagaarka Xaafadda Afarta Jardiino ee  magaalladda Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Kooxo ku hueysan Bistoolado ay Marxuumka  5 xabbadood kaga dhufteen Feeraha, waxaana dhaawaciisa loola cararay Isbitaalka Kaysaney oo uu ku geeriyooday.

Ma kala cadda ujeedada rasmiga ee loo dilay Marxuumkaasi oo ka mid ahaa Ergooyinkii Beelaha ee wax ka soo dhisay Maamul-gobaleeda Galmudug ee Bartamaha Somalia.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor