Ganacsade soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Ganacsade soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dalka koonfur Africa, gaar ahaan deegaan lagu magacabo khayelitsh, xili halkaasi ay ka socotay bililiqo xoogan, oo loo geysanayay Goobo Ganacsi.

26-jirkaasi, soomaalida ah ayaa la dilay 06:00 ee shalay, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Booliska dalka Koonfur Afrika Captain FC Van Wyk.

Sidoo kale waxaa uu hadlkiisa uu sii raaciyay in dilka ganacsadahaasi, ay ka dambeeyeen saddex ruux, kuwaas oo goobtiisa Ganacsi gudaha u galay.

Ma jirto cid ilaa iyo hada loo soo xiray Dilka loo geystay Muwaadinkasi Soomaaliyeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor