Ganacsade saakay lagu dilay Xaafad ka mid ah Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xilligii lagu jiray Salaada Subax nin lagu dilay Xaafad ka mid ah degmadaas.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn Xarunta Cumar Finish ee degmada Wadajir,waxaana dadka deegaaanka ay sheegeen in halkaasi lagu dilay Nin kawaanley ah ama ka Ganacsada Hilibka oo lagu Magacaabi jiray Muxudiin Cosoble.

”Runtii isaga u socda Suuqyaraha degmada dharkenley oo uu hilib ku gedi jiray ayaa nin hibeysan oo tuug loo maleynayo ahaa wadada u galay dhowr xabadood ayuu ku dhuftay anaga xabadaha ayaan ku soo kacnay manaqaano sababta loo dilay laakin nin naqaano oo hilibka ka ganacsada ayuu ahaa ayuu yiri qofka mid dadka degmada Wadajir.

Sikastaba weli macada cida sida rasmiga ah uga dambeysa dilka ninkaas iyo sababta loo dilay,balse waxaa la soo sheegayaa in subax walba uu u kalihi jiray goobta uu hilibka ku iibin jiray ee suuqyaraha degmada dharkenley.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor